Golaha Muslimiinta Kenya oo diiday go’aan kasoo baxay dowlada

Reading Time: < 1 minute

Golaha Muslimiinta Kenya ayaa si aad ah kaga soo horjeestay hadal dhawaan kasoo yeeray  Maxkamadda dalkaasi.

Hadalka Maxkamadda ayaa ahaa in Gabdhaha aysan u qaadan karin Xijaabo waqtiyada ay aadayaan Iskuulada.

Waxa uu sheegay wadaad u hadlay Golaha Muslimiinta Kenya in aysan midaa aqbali karin qaadashada Xijaabkana uu yahay Sharci aysan Haweenka Muslimaadka ah ka tagi karin.

Waxa uu sidoo kale xusay in dadaal badan ay u gali doonaan sidii go’aanka ay Maxkamaddu kaga laaban lahayd.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!