Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Oo Maanta Ku Shiraya Magaalada Garoowe

Reading Time: < 1 minute

Shirka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa lagu waddaa in uu Saaka ka furmo Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Madaxweynayaasha maamulada ,Puntland,Galmudug,Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Magaalada Garowe.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ah mid sii xoogeysanayay, tan iyo markii maamul goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii Federaalka, waxaana baaqday shir uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo oo lagu xalin lahaa tabashada ay qabeen maamul goboleedyada.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in laga soo saaro go’aamo adag oo ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.