Golaha Isbedeldoonka Ee KGS Oo Walaac Xoog Leh Ka Muujiyay Dib U Dhac Iyo Isdabamarin Ku Aadan Qabashada Doorashada Oo Uu Damacsan Yahay Shariif Xasan

Reading Time: < 1 minute

Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa walaac weyn ka muujiyey qorsho uu Shariif Xasan ku doonayo inuu dib ugu dhigo Doorashada Koonfur Galbeed oo lagu ballansan yahayu 17 Bisha soo socoto.

Musharixiinta oo ku midoobay Gole loogu magac daray Isbadel doonka Koonfur Galbeed ayaa Shariif Xasan ku eedeeyey inuu wado qorsho halis gelin doono Mustaqbalka Koonfur Galbeed oo ah inuu sameysto waqti kororsi taasoo lagu sheegay inay tahay wax aysan aqbali doonin dadweynaha Koonfur Galbeed..