Golaha Isbedel doonka Koofur Galbeed oo tacsi u diray shacabkii shalay lagu xasuuqay Baydhabo (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Golaha Isbedeldoonka KGS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaa reer Koonfur Galbeed iyagoo uga tacsiyeynaya dadkii ku dhintay labadii qarax ee ka dhacay magaalada Baydhabo 13kii Oktoober 2018. Intii ku dhimatay Allah ha u naxariisto, eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale waxaan Ilaah uga baryeynaa intii ku dhaawacantay in uu caafimaad degdeg ah siiyo. Waxaana ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed inay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyadeed. Waxaan ugu mahad celinaynaa dowladda dhexe gurmadka daawo ee la soo gaarsiiyey Baydhabo waxaase mar kale dalbanaynaa in dadka dhaawaca halista soo gaaray si deg deg ah dalka dibadiisa loogu qaado si ay u helaan daryeel waafi ah. Waxaan cambaaraynaynaa falalka bani’aadamnimada ka baxsan ee ay ku kaceen qolooyinka nabad diidka ah.

Weererkan oo ahaa mid looga dan lahaa in lagu khal-khal galiyo bulshada KGS lagana hor istaago ka qeyb qaadashada mustaqbalkooda siyaasadeed. Weerarkan wuxuu muujinayaa in kuwa soo qaadey iyo kuwa fududeeyayba inaysan wax dan ah ka laheyn nolosha shacabka KGS ee aan waxba galabsan.

Waxaan leenahay shacabka KGS kuma niyad jabayaan falal argagax, waxaana naga go’aan inaan juhdi badan ku bixin doono sidii shacabka KGS u heli lahaayeen nabad waarta. Golaha wuxuu kaloo dhaliil u jeedinayaa laamaha amniga ee KGS oo ku guul dareysatey ilaalinta amniga bulshada KGS.

Sidaan horey ugu baaqnay hay’adaha amniga iyo ciimada ka hawl gala KGS waa inay xoojiyaan amniga si loogu hortago falalka noocan oo kale ah. Waxaanna ka digaynaa in falalka arxaan darada ah ee shacabka loo geysanayo looga faa’iideyso qaab siyaasadeed oo lagu carqaladeeyo doorashada Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed, Xukuumada Federalka, Maamulka KG ee sii hayaha ah iyo beesha caalamka inay u soo gurmadaan dadka dhibaatada ka soo gaartay

Halka hoose ka akhriso

[googlepdf url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2018/10/Tacsi-Golaha-Isbedeldoonka.pdf” width=”800″ height=”600″]