Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodi saaka loogu qaybiyay xeerka Doorashooyinka ee dhawaan golaha wakiilada Somaliland uu wax ka bedelka ku sameeyay. Gudoomiye golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha u sheegay in ay soo akhriyaan xeerarkan.
Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaanada golaha Guurtida qaar kamid ahi sheegeen in xeerkaasi doodiisa dib ay udhigeen shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland, balse qaybinta saaka ayaa doodaasi meesha ka saartay.