Kulan deg deg ah oo ay Maanta Magalada Cadaado ee Gobolka Gaduud ku yeesheen Golaha deegaanka degmadaas ayaa waxa ay uga soo horjeesteen xilka qaadis uu sheegay in Madaxweynaha Galmudug ku sameeyey Guddoomiyaha degmada Cadaado iyo ku xigeenkiisa.
Kulanka waxaa shir guddoominayey Gudoominayay Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullahi C/raxmaan Xuseen Tootoole,waxana Golaha deegaanka Cadaado ay sheegeen in xilka qaadistaas uu sheegay Madaxweyne Xaaf ay tahay mid sharcidarro ah.
Qaar ka mid ah golaha deegaanka Magalada Cadaado oo iyana kulanka ka hadlay ayaa wax ay sheegeen inaysan xilligaan jirin sifo-sharci ah oo Madaxweynuhu xilka uga qaadi karo Guddoomiyaha degmada Cadaado iyo ku xigeenkiisa.
Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullahi C/raxmaan Xuseen Tootoole ayaa sheegay isaga iyo golaha deegaanka inaysan jirin madaxweyne Sharci ah oo xilka ka qaadi kara isagoo sheegay in madaxweynaha xiligan Galmudug ka talinaya waqtigii ka dhamaaday.