Golaha Aqalka Sare oo Dalbaday Ciidanka AMISOM In Ay Sugan Amanka Xarunta Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Xili dhawan Raiisul Wasaare Kheyre uu ciidamo ka amar qaata geeyay Xarunta Golaha Shacabka waxana qeylo dhan xoogan ka mujiyay Xildhibanada Baarlamanaka iyo Gudoonkooda madama Raiisul Wasaare Kheyre uu Cidankasi u kenay in uu ku qalal galiyo Xildhibanada Kaso horjeeda.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare baarlamaanka Soomaaliya sheegay in ay dalbadeen ciidamo ka tirsan AMISOM, kuwaa soo oo loogu tala galay in ay suggaan Amniga xarunta Aqalka Sare.

Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in Go’aanka xarunta Aqalka Sare lagu geynaayo AMISOM ay horay xildhibaanada u gaareen.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in AMISOM ay u qoreen qoraal ay ku dalbanayeen in ciidamo la keeno Xarunta Aqalka Sare.

Wuxuu sheegay qoraalkaasi AMISOM inuu gaaray, ayna rajeynayaan in ciidamada AMISOM la keeno Xarunta Golaha Aqalka Sare oo hadda ay illaaliyaan amnigiisa ciidamada dowladda.