Golaha Aqalka Sare baarlamaanka JFS oo ka horyimid Goaankii Madaxweynaha Mareykanka ee Bariga Dhexe

Reading Time: 2 minutes

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta qaraar ugu codeeyay in waxba kama jiraan uu yahay heshiiskii Qarniga waxa uu ugu yeerey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo tilmaamaaya in uu san jirin wadan la yiraahdo Falastiin.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa soo bandhigay qorshihiisii mudada dheer la sugayey ee nabadaynta Bariga Dhexe kaas oo dhigaya in magaalada Quddus noqoto caasimadda Israel taas oo aan qeybsameynin.

Warkiisa waxaa uu isugu jiray gooddi iyo digid inay tahay tani fursaddii ugu dambeysay ee ay Helaan reer falastiin.

Trump oo uu dhinac taagan yahay BB Natenyahu ayaa waxaa uu sheegay in dhulka ay boobtay yuhuudda ee Daanta galbeed uu yahay dhul ka mid ah Isra’iil.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxmuud Cabbaas, ayaa aad u diiday qorshaas waxaanu  ku tilmaanay “shirqool”. Isagoo careysan ayuu yiri Madaxweyne Cabaas “Trump iyo Netanyahu waxa u sheegayaa in Quddus aanay iib ahayn, xuquuqdadayadoo dhami iib maaha gorgortanna kama galayno. Qorshahaaga iyo shirqoolkaaguna meel mari maayo” .

Hasa yeeshee  Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee dalka oo xilkooda Iyo mas’uuliyadooda gudanayey ayaa cod gacan taag ku ansiyay qaraarka ka dhanka ahaa heshiiskii Qarniga, isla markaana meel uga dhacaya Madaxbanaanida Falastiin.

Waxaasa wax laga xumaada ah in Xukuumadda Somalia aysan wali wax ka dhihin arintaas oo ahayd inay ka qaadato mowqif cad una yeerto Safiirka Mareykanka si ay ashtako ugu gudbiso.

Waxaa kale isagana aamusan gobalaha Shacbiga oo ay ahayd inay ku hadlaan dareenka dadka Somaliyeed oo ay ogyihiin inay waajib tahay in loo muujiyo walaalaha Falastiin inay xaqoodaa iyo aaya ka talinta dhulkooda helaan.

Dhinaca kale Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta dood ka yeeshay Ajendayaasha kala ah Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed  iyo Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka ee heer Federaal.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Eng. Cabdullahi Cali Xasan iyo Masuuliyiin la socday ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare ee BFS si ay wasaaradda uga hor akhriyo warbixinta Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!