Golaha Ammanka ee QM Oo dib udhigay Xiliga ay Ciidanka AMISOM kabaxayan Soomaaliya(Sababta)

Reading Time: < 1 minute

Isniintii oo shalay aheed kulan ay yeesheyn Golaha ammanka ee QM ayaa waxay mudo kordhin ku sameyen xiliga la dhimayo Ciidanka AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya,kadib war qoraal ah oo ay soo sareyn.

QM ayaa meel mariyay in ilaa 31-ka bisha May ee 2019-ka dib loo dhigo dhimista Cidanka AMISOM oo lagu waday in ay bilaabato dhamaadka sanadkan.

Dowlada federaalka ee Soomaalaaiya ayaa horay  ushaacisay in Ciidanka AMISOM ay gabi ahaan dalka isaga baxayaan sanadka 2020-ka,waxeyna  sheegtay in ciidamada dowlada ay la wareeegi doonan ammanka guud ee dalka.

Dood waqti badan qaadatay kadib ayaa waxa gulaha ammanka  ee QM isku raaceyn indib loo dhigo dhimista iyo kabixda ciidanka AMISOMgudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in 31-ka bisha May ee sanadka 2019-ka ay in dib ubilaaban doonan dhimista ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya,waxeyna ciidankas tiro ahaan gaarayan 20,626 Askari, waxaana guluhu hakiyay 2,oo oo askari oo lagu waday inay kabaxaan bilaha Octobaer iyo Desember gudaha Soomaaliya.