Golaha Ammaanka oo u codeeyay in howlgalka AMISOM loo magac baddelo ATMIS

Security Council Meeting: The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2010/447)
Reading Time: < 1 minute

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in howlgalka AMISOM loo magac baddelo ATMIS si loo ballaariyo howlgalkaan ku kooban Qaaradda Afrika loogana dhigo mid ay ka qaybgeli karaan waddamada ka baxsan Qaaraddaan.

Qaraarka lagu meelmariyay howlgalka cusub ayaa lagu sheegay in lagu diyaarinayo Ciidamada Soomaaliya si ay ula wareegaan mas’uuliyadda Amni ee Dalkooda, waxaa la dhimayaa ciidamada AMISOM ee gaaraya 2024.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay in la sameeyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab si looga hortago weerarada ay kordhiyeen muddooyinkii dambe si loo xaqiijiyo hadafka uu xambaarsan yahay howlgalkaan.

Howlgalka AMISOM oo soo billawday 19kii Janaayo 2007 ayaa soo idlaaday 31kii Maarso 2022, Dalkii ugu horreeyay ee Ciidanka Afrikaanka ah ku deeqay waa Uganda, sanadihii dambe waxaa si tartiib-tartiib ah loo dhimayay Ciidamadaan.

Muddada 15ka sano ah ee howlgalka AMISOM ka socday Soomaaliya waxa ay Ciidanka xiran sumadda Midowga Africa waxa ay sameeyeen howlgallo kala duwan halka ay la kulmeen weeraro kala duwan oo gaarsiiyay dhimasho, dhaawac & mid hanti.