Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee maanta fadhi ka yeellanaya Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Amniga, Doorashooyinka, Abaarta iyo Mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Kulanka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu furmayaa 6da Maqribnimo (6:00pm) waqtiga geeska Afrika, Golaha ayaa gorfeynaya xaaladda Soomaaliya oo ugu dambeyn bayaan kasoo saari doono.
Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa macluumadka uu ka uruuriyay Soomaaliya la wadaagaya xubnaha Golahaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Golaha ammaanka.
Madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa kamid ah mas’uuliyiinta ku casuumay ka qaybgalka Shirka Golaha Ammaanka, waxa uu gudbinayaa waxqabadka Ciidamada Afrika ee jooga Soomaaliya oo waqtigoodu dhammaanayo 31ka Maarso 2022.
Golaha Ammaanka ayaa saddex bi loo muddo kordhin ah uu u sameeyay Ciidamada AMISOM December 2021 ku idlaaneysa 31ka Maarso 2022 waxaana socda qorshe lagu baddelayo Magaca howlgalkaan si loo ballaariyo dalalka ka qaybgalaya oo haatan Afrika keliya ku siman.