Golaha Ammaanka oo ansixiyey qaraarka waqti kordhinta joogitaanka ATMIS

Security Council Meeting: The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2010/447)
Reading Time: < 1 minute

Golaha ammaanka oo shalay  ansixiyay qaraar dib loogu dhigaayo dhimista 2,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) muddo lix bilood ah.

Iyadoo laga jawaabayo codsiga Midowga Afrika, qaraar tirsigiisu yahay 2670, kaasoo ku guuleystay taageerada wadajirka ah ee golaha, ayaa kordhinaya oggolaanshaha dhimista ATMIS illaa Juun 30, 2023.

Xilliga kama dambaysta ah wuxuu ahaa markii hore December 31, 2022, waxaa go’aamiyay Qaraarka 2628 ee March 2022, kaas oo dib u habayn ku sameeyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo loo beddelay ATMIS.

Qaraarkan cusub, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu qabanqaabin doonaa shir rasmi ah oo looga hadlayo isbeddelka Soomaaliya ka dhacaya ugu dambayn May 31, 2023.

Kulankaas ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan wakiilo ka kala socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ururka Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya ee ATMIS.