Go’doonka Saaran Marko oo Dowlda lagu eedeeyay (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Weli waxaa go’doon ay saareen Al-Shabaab uu saaran yahay degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo dhowr bilood ka hor ay Al-Shabaab kala wareegeen ciidamo ka tirsan millateriga Soomaaliya,waxaana go’doonkaas walaac xoogan ka muujiyey Senator ka tirsan Xildhibaannada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Senator Axmed Macalin Cumar (Nadiir) oo ka mid ah Xildhibaannada Aqalka Sare lana hadlkay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in hadii dowladda Soomaaliya ay jawaab ka bixin weyso go’doonka saaran Magaalda Marka iyo deegaanada kale ay horgeyn doonaan Xildhibaannada Aqalka Sare.

Sidoo kale waxa uu  Senator -ka soo hadal qaaday Biya yari ka jirta deegaano ka jirta Gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo ay sii dheer tahay go’doonka ay saareen Al-Shabaab,waxaana uu ku dhaliilay waxka qabashada go’doonkaas Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Magalada Marka oo ah Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaano kale oo hoostaga ayaa waxaa go’doon saaray Ururka Al-Shabaab,waxaana adag inay degmada Marka galaan gaadiidka sida badeecooyinka kala duwan,waxaana taasi ay sababtay in sicir barar baahsan uu ka dhaco,waxaana taasi walaac ay ku abuurtay Xildhibaannada dadka dega Gobolka Shabeellaha Hoose ku metela Baarlamaanka Soomaaliya.