Godax Barre “Hadii aad i weydiiso Qaahiro iyo Casmara maxaa loo tagay, walaahi ma kuugu sheegi kari”

Reading Time: < 1 minute

Cabdullahi Goodax Barre oo  ah Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee Soomaaliya oo ahaa wafdiga kaliya ee rasmiga ah ee racaay MW Farmajo ayaa xalay u sheegay qaar kamida Xildhibaanada saaxibada la aha isla markaana ay isku dhaw yihiin Ra’iisal Wasaare Kheyre  in uusan garanaynin sababta loogu safray Magaalooyinka Qaahira iyo Casmara.

Godax ayaa yiri “… maalinta la baxi doono ayaan u tagay MW Farmaajo si aan ugala soo hadlo arimo ii gaar ah..markii aan ugu tagay  xafiiska ayuu Madaxweynuhu igu yiri soo labiso waad i raaceysaa, waxaad ii raaceysaa safar Masar ah”. Godax ayaa ku daray.. “Guriga ayaa ku cararay wixii dhar ah ee aan soo qaadan karo ayaan soo qaatay, ka dibna diyaaradda ayaan la raacay Madaxweynaha”.

Godax ayaa u sheegay saaxibadiisa iyo RW Kheyre in uusan waxba ka ogaynin waxa laga hadlay iyo sababta loo tagay shirarkaas. Godax ayaa ku daray “Xataa intii aan sii soconay qofna iima sharxin sababta loo safrayo iyo ujeedada safarka, waxaan is arkay aniga oo shirar ku jira… waxa kaliya oo aan sameeyn karay waxa ay ahayd in aan jilo filim oo aan iska dhigo qof wax badan og.”

Madaxweyna Farmaajo ayaa u muuqda mid jahawareeray oo waayay cid uu aamino ama uu sirta ku qarsado. Hadalka ka soo yeeray Godax ayaana kuu cadeeynayo in Farmaajo uusan haysanin la taliyayaal iyo dad ku haga wadada toosan.  Arintaan ayaa khatar ku ah jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed.