Wararka Ka imaanaya Gobalka Hiiraan ayaa Saakay sheegaya in Ciidamada Militariga Soomaaliya ay Howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalkaasi.
Howlgalka ayaa ciidamada Xoogga waxaa ay ka wadaan inta u dhexeysa Magaalooyinka Beledweyn iyo Maxaas oo ka wada tirsan Gobalka Hiiraan.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in howlgalka looga goleeyahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Howlgalkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili Shalay uu dagaal xoogan uu ka dhacay inta u dhexeysa Magaalada Beledweyn iyo degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.
Dagaalkii shalay ayaa waxaa ay saraakiisha ciidanka Xoogga sheegeen in ay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaa ayna sheegeen in ku dhawaad 6 dagaalame, halka hubna ay ka soo furteen.