Wararka imaanaya Deeegaanada bari ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta diyaarado dagaal ay dul heehaabayaan deegaanadaasi.
Deegaanada ugu badan ay maanta cabsi ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Degmada Ceelbuur iyo tuulooyinka hoostaga, iyadoona halkaasi saldhigyo ay ku leeyihiin dagaalamayasha ka tirsan Al-Shabaab.
Mana Jirto ilaa Iyo Hadda Wax Duqeyn ah oo ka dhacay deegaanada ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud.
Deegaanada Cabsida ay maanta ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Ceel-garas, Xamur, Ceel-lahelay, Wamooleey iyo Ceel-qooxle.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in dadkii deganaa deegaanada iyo tuulooyinka hoostaga degmada Ceelbuur ay bilaabeen in ay halkaasi ka sii barakacaan, cabsi ay ka qabaan in diyaaradaha dagaalka ay duqeymo ka geystaan Saldhigyada shabaab ay ku leeyihiin deegaanada Bariga Gobalka Galgaduud.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymo ka la beegsanayaan Shabaabka ku sugan Deegaanada ka tirsan Gobalka Galgaduud.