Gobolka Bari ee degaanka Puntland oo ay abaar iyo biyo la’aani xuni ka jirto

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bare ee ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in degaankaas ay ka jirto abaar aad u xun taas oo saameysay xoolihii iyo dadkiiba.

Xoola dhaqatada deegaanka Carta ee gobolka Bari ayaa qaylo dhaan udirtay dowladda Puntland waxaana ay ugu baaqeen in dadka iyo duunyadu ay haysato abaar iyo biyo la,aan. Cabdiqaadir Xasan Maxamed oo ah Guddoomiyaha tuulada Carta iyo qaar ka mid ah xoolo dhaqatadaas ayaa fartiin  u diray madaxada Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyaga oo ka codsaday in ay ka soo gaareen dhibtaada haysata.