Gobolka Banadir oo furtay Xafiis Amni! Amniga Muqadishu oo noqday alad ganacsi?

Reading Time: < 1 minute

Ra’isal Wasaare Kheyre oo ku fashilmay Amnigii dalka iyo guud ahaanba hogaankii lagu aaminay ayaa u muuqada mid u dhaqmayo sidi qof waalan, hadii uusanba horay waali u qabin. Waxaa doraad la furay xafiis loogu magac daray Xafiiska Aminga Gobolka Banadir. Waa maxay ujeedada Xafiiskaas?

Waxa uu horay u sameeystay ciidan beeleed uu ugu magac daray ciidanka Xasilinta oo uu hogaan uga dhigay nin ay isku beel yihiin ujeedadeeduna ahayd in lagula dagalaamo siyaasiyiin iyo beelo gaar ah. Hadaba waxaa waxa lala yaabo ah in iyada oo uujiro ciidamo dowlihi ah iyo hay’ado amni hadana la yiraahdo waxaan furaynaa xafiiska Aminga Gobolka Banadir. Waxaa dad badan is waydiinayaa ilaa intee ayaa ay dadka reer Muqadishu u dulqaadan doonaan dhibatada uu ku hayo Ra’isal Wasaare Kheyre iyo kooxaha uu ku shaqeeysto.