Gobolka Banaadir oo ku fashilmay wax ka qabashada Arrin Muhiim ah

Reading Time: < 1 minute

Dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa dareemaya xilligaan ciriiri badan oo ka jira wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo ay maqan tahay doorkii Ciidamada kala hagista wadooyinka ee loo yaqaan taraafikada.

Cabashada dadweynaha ee dhanka wadooyinka ciriiriga ka jira, ayaa ku soo aadeysa iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku faanayo waxqabad muuqda in laga sameeyay Degmooyinka Gobolka Banaadir, balse aysan xusid mudan in Muqdisho uusan ku xirneyn hal nal oo loogu talo galay kala hagista gaadiidka, nalkaasi oo loo yaqaan Samaafaraha.