Go’aankii golaha wasiirada oo u muuqday mid lagu carqaladeynayo shirka Garowe

Reading Time: 2 minutes

Shirkii Golaha Wasiirada ayaa shalay oo khamiista shirkoodii asbuuclaha ahaa waxa ay ku ansaxiyeen hindisayaasha sharciyada doorashada iyo Asxaabta. Talabadaan oo mudo labo sano ah ay ka gaabsatay dowlada Fedaraalka ayaa RW Kheyre waxa uu go’aansaday in uu mariyo galaha wasiirada  taas ujeedada laga lahaa lagu sifeeyay in ay ahayd in lagu carqaladeeyo shirka lagu wado in bisha shanteeda uu ka furmo magaalada Garowe.

Shirka Garowe ayaa ujeedadiisu ahayd in looga wadatashado arimo muhim u ah geedisocodka Soomaaliya oo ay ka mid  ahayd doorashada la filaayo in ay ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2020.

Hadaba iyada oo ay maalmo ka hartay shirkii Garowe ayaa Xassan Kheyre waxa uu go’aan saday in uu si toos ah u carqaladeeyo shirkaas taas oo uu ka leeyahay labo ujeedo oo iskaabaya;

  • in uu ka hordhaco go’aanka ka soo bixi kara shirka Garowe isla markaana uu abuuro jawi shirku ku baaqdo, taas oo uu u arko guul siyaasadeed
  • Isaga oo doonayo in uu shacabka Soomaaliyeed u tuso in dowlad Goboleedyadu ayan doonaynin in dalka doorasho ka dhacdo, isla markaana uu iska horkeeno mucaaradka, dowlada iyo dowlad goboleedyadda taas oo siin karta waqti dheeraad ah oo uu ku sii

Hadaba Dowlada Puntland oo ay u muuqato  carqaladeytaas ayaa war Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan go’aanada aan waafaqsaneyn Dastuurka ee ay Xukuumadda Federaalka ku tallaabsatay.

“Dowladda Puntland waxay ka digeysaa  ficilada Madaxda dowladda Federaalka isku gaar yeeleyso talada iyo go’aanada Masiiriga ah ee dalka, sida geeddi socodka dhameystirka Dastuurka, hannaanka xasilinta iyo Amniga dalka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka dalka, doorashooyinka iyo dhismaha Cadaaladda”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Go’aanka Puntland kaga soo horjeesatay tallaabooyinka dowladda Federaalka qaaday ee la xiriira sharciga doorashooyinka iyo sharciyada kale ee dalka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalinya Sabtida uu ka furmayo Garowe shir wadatashi ay leeyihiin dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.