Go’aanada deg dega & talaabooyinka aan laga fiirsan ee Rooble waxay fursad u tahay Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

RW Rooble ayaa maalmihii u danbeeyay waxa uu qaaday talaabooyin ay ka muuqato fudayd iyo deg deg. Talaabooyinkaas ayaana keenay in qaar kamida Beesha Caalamka ay dib u eegis ku sameeyaan taageeradii ay u mijiyeem Rooble.

Rooble oo ahayd in uu diirada saaro arimaha doorashada ayaa bilaabay dagaal ka dhan ah Farmaajo iyo kooxaha taageera. Halkii laga rabay in isaga iyo golahiisa wasiirada ay ka shaqeeyaan arimaha la xiriira doorashada ayuu noqday nin xanaaqsay oo ay ka go’aan tahay aargoosi.

Mar hadii beesha Caalamka ku taageertay. Musharaxiinta soo dhaweeyeen dhaqdhaqaaqiisa, shacabkana teeheerayn Maxaa ku qasbaya in uu waqti uu ku lumiyo arimaha howlo aan loo dirsan.

Dadka qaar ayaa rumeysan in dagaalka Rooble wado uu ka mid yahay qorsho uu uga hortagayo dacwada la xiriirta boobka dhulka ee dhawaan lagu soo eedeeyay isaga iyo saaxibadiisa.

Dhanka kale, Rooble ayaa gabi ahaanba albaabka ka soo xiray dacwadii Ikram Tahliil. Ma jirto cid loo xiray ama loo maxkamadeeyay dilka gabadhaas, waxaana ka go’aan in aan marnaba la furin dacwadaas