Gen. Xijaar oo xoog ku qabsaday Villa Hargeysa kana saaray Guddiga Doorashada

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha ciidanka Booliska iyo askar ka socota Villa Somalia ay xoog uga soo saarey xaruntii Barlamanka Federalka Somalia ee Villa Hargeysa shaqaalihii iyo guddiyada aqalka ee ku howlanaa doorashada, sidaas waxaa bartiisa Twitter ku qorey Xildhibaan Abdirizaq Maxamad oo ah gudoomiyaha guddiga doorashada aqalka hoose ee Barlamanka Federalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirizaq ayaa talabadaan ku sheegey mid lagu hor-istaagayo doorashada gudoonka Barlamanada Federaalka Soomaaliya islamarkaana lagu cabsi galinayo howl-wadeenada iyo guddiyada diyaarinaya doorashooyinkaan.

Xalay ayuu wasiirka amniga sheegay talyaha booliiska Soomaaliya kuna eedeeyey inuu ishortaagey dhaartii xildhibaanadii laga doortey Ceelwaaq.