Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabta howlgalada aan la geyn doonin xabsi.
Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Milatariga Soomaaliya uusan dulqaad dambe u heyn in qof ka tirsan Al-Shabaab in ay qabtaan oo ay xabsi u gudbiyaan.
Indha Qarshe ayaa sheegay in hadda kaddib xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee la qabto tallaabo laga qaadi doono, islamarkaana aan xabsi la geyn doonin, maaddaama iyaguba ay dilaan Ciidamada iyo saraakiisha dowladda.
Waxaa uu tilmaamay in aanay daaweyn doonin dhaawacyada Al-Shabaab ee lagu qabto howlgalada.
Hadalkan ayuu Taliyaha ka sheegay shir jaraa’id oo wadajir ahaa oo isaga iyo Wasiirka Gaashaandhigga ku qabteen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ciidanka xoogga dalka lagu dilay qarax miino oo ka dhacay duleedka Muqdisho, waxaa weerarkaas ku dhintay Taliyihii qeybta 12-ka April Jen. Cumar Dheere iyo Abaanduulaha Taliska Jen. Cabdi Cali Jamaame.