Gen. Indha-Qarsho Xildhibaan Ma Mudan yahay?

Reading Time: 3 minutes

S/Gaas Daahir Aadan Cilmi  oo loo yaqaanno Generaal Indha-Qarsho waxaa uu ka mid yahay sraakiisha fara ku tiriska ee leh aqoon milateri oo lagu faani karo. Haddey tahay hogaaminta ciidanka, habeynta ciidanka, howlgelinta ciidanka waxaa uu ku sifoobay inuu yahay shakhsi qaranka uu ka soo jeedo uu ku faano, kan uu horjedana uu ka naxo.

Maanta ayuu mar kale u soo dhaaraansaday inuu ka qeyb qaato badbaadinta qarankan uu dhowr jeer dhimasho ugu sigtay intii uu ciidanka hogaaminayey. Waxaa Indha-Qarsho laga hayaa qori iyo xabbad ayaan ugu bareeray inaan ku difaaco, maanta oo ay qalin joogto kama waabanayo inaan caqli iyo aqoon wixii aan leeyahay aan huro.

Maanta ayaa lagu qabtay Xamar xaflad uu ku iclaaminayo Iyo waxaa uu isu soo taagay oo ah inuu ka mid noqdo xildhibaanada galaha shacbiga si uu wax uga badalo qaabka Iyo fekerka xildhibaanka oo in muddo ahaa ila meereyso. India-Qarsho Xil, Darajo, awood, iyo aqoon kororsi uma imanayo Golaha shacbiga ee waxaa uu u imanayaa dareen la mid ah kii 1968 uu u galay CXD si uu naftiisa waxay karto uu ugu horo dalkiisa mar kale.

Taariikhda shako iyo aqooneed ee Indha-Qarsho

Ge. Indha-Qarsho waxaa uu aqoonta Jamacadeed ku soo qaatay dalka Mreykanka “University of Massachusetts Boston”. Waxaanu sooma jeestayaasha Xooga Dalka  Somaliyeed ku soo biiray Sannadkii 1968.

Generaal Indha-Qarsho waxaa uu tabarro ciidan ku soo qaatay labada dal ee adduunyada ciidan iyo tababar wanaagsan ee Mareykanka iyo Midowgii Sofiyeeti.

General Daahir Aadan Cilmi Wuxuu ka soo shaqeeyay qeybo badan oo Ciidanka Xogga Dalka Soomaliyeed  Sida (Qeybta 60-aad, Qeybta 21-aad, Qeybta 26-aad), isagoo ka qabtay xilal howlgal iyo mid hogaamiyeed.

Sidoo kale wuxuu jagooyin kala duwan ka qabtay Taliska Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Abaanduulihii Kuliyadihii waxbarashada ee Xogga Dalka Soomaaliyeed. General Daahir Aadan Cilmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay Hawlkarnimo, Hoggaamin, Maamul Hufan iyo Geesinimo.

Waxaana intaas oo dhan ka marqaati kacaya wacdarihii ka muujiyey dagaalkii ee xoreynta Somali Galbeed oo uu ku muteystay billad dahad ah waxaana gudoonsiiyey AHN Madaxdweyne  General Maxamed Siyaad Barre waxuuna ku muteeystay wacdarihii uu ka dhigay dagaalkii 1977 dii ee Xorayntii Soomaali galbeed kana mid ahaa guutadii qabatay Qabri-Daharre oo ahayd magaaladii labaad ay qabsadaan Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Soomaaliya.

Sanadkii 2012 ayaa loo magcaabay taliyaha Guud Ee Ciidanka Xooga Dalka  Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), waxana Shabaab laga saaray magaalooyinka iyo degmooyinka ay haysateen 88%

Gen. Daahir Markii uu Taliyaha Soomajeestayaasha u magacaabay Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu durbadiiba qabtay howlahaan

  1. Dib u habeyntii Darajada Ciidanka
  2. Ku bixinta mushaharka ciidamada habka kala sarreynta darajada Ciidanka
  3. Diyaarintii barnaamijkii Guulwade oo ay ka dhasheen hawlgaladii Badweynta Hindiya iyo Gorgor oo Shababka looga xoreeyey ilaa ito 80 goob oo is ugu jiray degmooyin muhiim ahaa iyo tuulooyin.
  4. Diyaarinta hawlagaladii ay u dhamaayeen SNA/Amison (joint operations).

Laakiin Maxaan maanta ugu baahannay inaan idin la wadaagno taariikhdan dahabiga ee uu Leeyahay General Indha-Qarsho. Waxaan rabnaa in beelaha kale ee Somaliyeed ay  Golaha shacbiga u soo dirsadaan hal doorkooda la shaqeyn kara Indha-Qarsho Iyo kuwa la mid ah  si dalka loog badbaadiyo xaaladda xun êe ấy geliyaan wax magarato socod-barad  ku ah siyaasadda iyo hogaaminta. Indha Qarsho guul ayaan ku leenahay ee hana gąbin , horay noomaadan gabine. Haddaba Gen. Indha-Qarshho Xildhibaan ma mudan yahay?