Gen Indha-qarshe oo Digniin u Diray Dhalinyarada Al-shabaab ka Barbar Dagaalameeyso!!

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay Al Shabaab kala wareegeen degaano hoostagga degamada Marko ee gobolka Sh/Hoose.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la furay wadada xiriirisa Muqdiisho iyo Marko ee ka kala tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo gobolka Banaadir.

Waxa uu xusay in ciidanka xoogga dalka ay hada qorsheynayaan in ay Al Shabaab kala wareegeen degaano kale oo hada ay ciidamada ku wajahan yihiin.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in degaanada laga qabsado Al Shabaab ay ka jiraan xaalado adag maadaama Al-Shabaab ay horay u sii qaataan dhammaan adeegyadii bulshada.

Taliye Indha qarshe ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka aysan awood u lahayn in gurmad deg deg ah ay u fidiyaan shacabka ku nool degaanada Al Shabaab laga qabsado.