Gen Yuusuf Maxamed Siyaad indha cadde oo kamid ah saraakiisha millatariga Soomaaliya ayaa ka hadlay halka ay A-lshabaab ka helaan hubka iyo dareeska ciidanka ee ay weerarada u adeegsadaan.
Waxaa uu beeniyay Genaraal Indha Cadde in dowlada Soomaaliya ay darees iyo Hub siiso dagaalamayaasha Al-shabaab.
“Wax macquul ah ma ahan in dowlada Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-Shabaab inay hubkeeda iyo dareeska ciidamadeeda siiso.”ayuu yiri Indha-cadde oo wareysi siiyay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho.
Hase yeeshee, Indha Cadde ayaa sheegay in Al-shabaab ay hubka meelo kale ka helaan, inkastoo uusan sheegin meelaha ay hubka iyo dareeska ka helaan Al-shabaab.