Gen Gorod oo Xerada General Gordon Ku Wareejiyay Shirkad Ingiriiska Laga Leeyahay

Reading Time: < 1 minute

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xerada General Gordon ee Magaaladda Muqdisho lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska.

Investigative Dossier oo ah Hay’add wax baarta ayaa heshay warqad uu ku saxiixan yahay Abaanduulaha Ciidamadda Xoogga dalka Jeneraal Cabdulahi Cali Caanood,taasi oo lagu cadeynayo in Shirkadda oo la yiraahdo Red Four Security Group for Somalia (SRG) oo fadhigeedu yahay magalaada London in laga aqbalay Codsiga ku aadan in lagu wareejiyo xerada General Gordon ee Muqdisho.

Taliska Ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA) ayaa sheegay in sababta shirkadaan loogu wareejinaayo Xiradda ay tahay cabsi laga qabo Weerarada Maleeshiyaadka Shabaab.

Sidoo kale Wasaarada difaaca Xukuumadda Soomaaliya, Xafiiska Ra’isal wasaraha Soomaaliya iyo xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa heshiiska wax ka og.