Gen. Bashiir “Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir aniga ima hoos yimaadaan”

Reading Time: 2 minutes

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Bashiir Amerika aya sheegay in ciidanka Booliska Gobolka Banaadir aanay isaga hoos imaan, amar ka qaadanin, isla markaana falalka guracan ee ay ku xasuuqayaan shacabka lagala xisaabtamo cidda u dhiibatay.

Gen. Bashiir aya iska fogeeyay xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in dhalinyaro aanan lahayd khibrad booliis, anshax ciidan oo intooda badan ka soo galay shabaab loo dhiibay ammaanka Gobolka Banaadir.

Waxaa labadii sano ee ugu danbeysay ciidanka Booliiska ay ku dileen magaalada Muqdisho 234 qof oo shacab ah una badan dhalinyarada ku shaqeysta mooto bajaajka.

Ciidanka Booliska aya sido kale ka qaada shacabka & ganacsatada gobolka Banaadir lacago baad ah oo an ahayn canshuurta la dul dhigay ganacsatada. Waxaa sidoo kale la ogyahay in aay iyaga soo gudbiyaan qaraxyada lacagna ka qaataan kooxda Shabaab.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dilay shacab ka badan 10 taasoo dhalisay in magaalada ay ka bilowdaan dibadbaxyo rabshada wato, waxaana ciidanka Booliska RW Kheyre ay rasaas arxandarro ka ku fureen shacab mudaaharaadayay, waxaana u soo hiiliyay ciidanka Xoogga taaso sababtay in ay magaalada dhexdeeda ku dagaalamaan ciidanka Booliska RW Kheyre iyo ciidanka Milatariga.