Gen Andrew oo Muqdisho soo Gaaray ka dib Markii Ciidamada Uganda

Reading Time: < 1 minute

Saraakiisha ugu sarreysa Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Dalka Uganda ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaa in ay u yimaadeen sidii ay u dhegeysan lahaayeen dacwado ka dhan ah Askarta Uganda ee AMISOM.

Maxkamadda oo fadhigeedu yahay Magaalada Makindye ee dalka Uganda ayaa inta badan guur guurta,waxaana ay xukunnada ku dhegeysataa meelo ka baxsan Caasimadda Kampala.

Saraakiisha soo gaaray Muqdisho,waxaa hoggaaminaya Gen Andrew,waxaana loo soo diray in ay dhegeystaan kiisas aan si rasmi ah loo faah faahin oo la xiriira dambiyo askarta Uganda ka geysteen Soomaaliya.

Saraakiisha Maxkamadda ayaa dhawaan tagay Taliska 4aad ee Ciidanka Uganda ee dalkooda,halkaas oo ay 40 Sano ku xukumeen Askari lagu magacaabo Geoffrey Odaga, kuna eedeysnaa dilka saddex qof oo Rayid ah.

Madaxda ugu sarreysa AMISOM, saraakiisha Ciidamada kala duwan ee jooga dalka iyo xubno ka socda beesha Caalamka ayaa dhawaan kulan ku yeeshay Muqdisho,waxaana ay isku raaceen in la billaabo howlgal ay sheegeen in lagu dhimayo qatarta Al-shabaab.

Mr Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay isku raaceen qorshe mideysan oo ka dhan ah AL-shabab lana dhaqan gelinayo dhawaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!