Dowladda Marocco ayaa shaacisay inuu geeriyooday wiilkii yaraa ee Rayan Awram oo ahaan shan sano jir ku dhacay Ceel u dhow gurigooda oo 32 Mitir hoos u qodan, kaasoo uu ku jiray muddo shan maalmood ah.
Badbaadinta wiilka yar oo shan maalmood socotay ayaa ugu danbeyn kooxda gurmadka ay gaareen halkii uu ku jiray wiilka yar, waxaana si weyn ugu farxay dadkii badnaa ee ku sugnaa goobta, laakiin daqiiqado kadib waxay dowladda dalkaasi shaacisay inuu gereiyooday wiilkii yaraa.
Wararka ayaa sheegaya in wiilka Rayaan laga soo bixiyey Godka isagoo meyd ah oo aanay naf ku jirin oo markii la baaray la ogaaday inuu geeriyooday. Mudadda uu ku jiray godka ayaa ahayd 5 maalmood oo buuxa.
Boqorka Marocco Boqor Maxamed-ka lixaad ayaa tacsi u diray wiilka geriyooday iyo qoyskiisa, waxayna farxadii isu bedeshay murugo, waxayna inta badan dadku rajeynayeen inuu nool yahay.
Rayaan ayaa Talaadadii ku dhacay ceelka oo ku yaalla tuulada Tamrout, ee gobolka Chefchaouen, Waqooyiga Morocco, waxaana halkaasi loogu geliyay ogsijiin iyo biyo.You