Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo aya u ogolaaday PM Itoobiya in qof Itoobiyaan ah loo magacaabo xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele aya u ololeynayay in jagadaas loo magacaabo muwaadin ka soo jeeda jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana RW Itoobiya uu ogolaasho ka helay MW Farmaajo wuxuuna magacaabay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, taasoo caro weyn ay ka qaadeen walaalaha Jabuuti.
RW Itoobiya oo hadda haya guddoonka urur goboleedka IGAD ayaa wuxuu xilkaas u magacaabay Dr. Workeneh Gebeyuhu oo hore u ahaa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, waxaana halkaas ku soo afjarmay dedaaladii Madaxweyne Geele iyo Madaxweyne Farmaajo. Dr. Workeneh ayaa wuxuu xilka kala wareegayaa Maxbuub Macalin oo ka soo jeeda dalka Kenya.
Waxa kale oo ay warar diblomaasiyadeed sheegayaan in uu Dr. Abiye guddoonka IGAD ku wareejin doono Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata oo si aan toos ahayn la iskula gartay shir madaxda IGAD ay Addis Ababa ku yeesheen inuu qabto guddoonka kursiga IGAD ee wareega.
Wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu qoray in Djibouti ay dareemayso in IGAD ay 11 kii sannadood ee u dambeeyay isku wareejinayeen Kenya iyo Itoobiya, waxaanu dalka Djibouti ku cabanayaa in Itoobiya iyo Kenya ay iska bahaysteen dalalka kale ee gobalka siyaasad ahaan oo ay la wareegeen maamulka IGAD.
Djibouti iyo Kenya ayaa waxa soo dhex galay khilaaf ku saabsan kursiga golaha ammaanka ee Afrika oo ay si weyn ugu tartameen iyadoo Kenya heshay kalsoonida Midowga Afrika. Soomaaliya iyo Kenya ayaa iyaguna waxa ay isku seeganyihiin xuduudka badda iyadoo ay maxkamadda caalamiga ah taalo dacwad u dhaxaysa labadaas dal.
Dadka falanqeeya siyaasadda gobalka Geeska Afrika ayaa saadaalinaya in khilaaf soo kala dhex geli doono madaxda IGAD, haddii aanu Raysalwasaaraha Itoobiya ku guulaysan dedaalo uu doonayo inuu ku dejiyo xiisadan, waxaanu dhawaan Dr. Abiye socdaal ku tagay dalka Djibouti si uu u dejiyo dareenka Madaxweyne Geele ka qaatay arrinta IGAD.