Waxaa Warar kala duwan ay ka soo baxayaan Bad xoogan oo Xalay ka kacay Warshad Biyaha lagu sifeeyo oo ku taala halka loo yaqaan Tabeellaha Sheekh ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho waxaana ka dhashay Khasaaro baaxad leh.
gebi ahaan Warshada Biyaha sifaysa Ee Zamzam layiraahdo ayaa bur burtay waxaa sidoo kalle uu Khasaaro xoogan soo gaaray Guryo iyo goobo Ganacsi oo ku yaalay halka uu dabku ka kacay.
Dabkaan oo baaxad weynaa ayaa ugu dambayn in ay demiyaan waxaa ku guulaystay Kooxda dabdemiska Maamulka Gobolka Banaadir oo gaaray halka uu Dabku ka kacay waxaanan jiray Khasaare nafeed ee uu dabkaa gaystay.