Beesha Gaxajis oo dhiirigalisay reer Laascaanood, soona dadajisay Jabka Somaliland 

Reading Time: 2 minutes

Kulanki bishaan 19keedii ay odoyaasha beesha Garxajis ay ku yeesheen magalaadda Hargeysa kaas oo ay ka soo saareen baaq ay ku diideen inay qayb ka noqdaan gudiga dhexdheexaadinta dagaalada Laascaanod, isla markaana laguna taageeray beesha xaq u dirarka Beesha Dhulbahante ayaa waxa uu ahaa dhiirigalintii ugu wanaagsanayd oo shacabka SSC ka heleen dhaqanka iyo siyaasiyiinta Somaliland.

Mid kamida Salaadiinta Beesha Dhulbahante ayaa sheegey in hadalkii dhiirigalinta ahaa ee ka soo yeeray Beesha Garxajis uu ahaa mid “lagu tilmaami karo i uu  soo dadajiyay jabka Somaliland”.

Waxaa shacabka reer SSC u muuqatay in Somaliland kala jabtay, qabiilna ukala qaybsantay, taas oo fursad u siisay dadka reer Laascaanood inay si niyad ah dagaalka u galaan, dhaqaale iyo nafna u huraan ka saarida Somaliland dhulka SSC.

Siyaasiyiinta beesha Garxajis ayaa dareenkooda ahaa, mar hadii Garxajis taageerada kala noqdo dowlada Musi Bixi uu hogaanka Muse soo afjarmayo ka dibna ay iyagu hogaanka dalka la wareegi doonaan.

Garaad Jamac Garaad Cali oo qadka taleefanka kula hadlay koox ganacsato ah oo ka jeeda Beesha Dhulbahante ayaa u sheegay inay mahad balaaran u hayaan beesha Garxajis oo taageertay qadiyada reer SSC.

“Adeer qalad bay igu ahayd in aan ku tilmaamo beesha garxajis in ay yihiin kuwo la gumeeyay, laakiin markii dabe eegay, waxa ii muuqatay in hadalkaa xanafta lahaa inuuba wanaag inoo horseeday oo beesha Garxajis ay mar qura  ka soo horjeesteen Maamulka Muse Buxi ”, Ayuu yiri Garaad Jama Garaad Cali.

Garaadka ayaa ku daray “ hada wax ay doontaba ha noqotee Garxajis waa og yahay in Somaliland dhimatay oo ayan soo noqon doonin… midna iga qora walaalayaal, in aan Dhulbahante danbe qayb ka noqon doonin wax la yiraahdo Somaliland… waligayagu ma hoos imaanayno maamulka isaaq oo isku wada duuban”.

Waxaan shaki ku jirin inay adkaan doonto in Somaliland markale ay xukunto shacabka reer SSC, beesha Garxajisna waxa ay door ku lahaayeen soo dadajinta burburka Somaliland.

Shacabka SSC kama soo horjeedin hogaanka beesha Habar Awal balse waxa ay diidanaayeen xukunka qabiilaysiga iyo xooga ku dhisan oo ay hogaanka u hayso beesha Isaaq. Taariikhdu waa ay ogtahay in beesha Isaaq isku si  ula dhaqantay Beesha Dhulbahante iyo guud ahaan dadka dega dhulka SSC.