Gawraca Xoolaha ee Maamulka Gob. Waa Gef Sharciyeed iyo Garasho Xumo Maamul.

Reading Time: 3 minutes

Runtii waa gabood fal u baahan inay wax ka tiraahdo Gowraca xoolaha masaakiinta ee inta guryahooda loogu tago laga soo kaxeeyo kadibna la gowraco.

Ciidanka ilaalada ee dowladda hoose waxay sheegeen in Isniintii soo qabteen 166 Lo’ ah iyo 11 Ari iyagoo cuskanaya wareegto ka soo baxday Xafiiska Duqa Magaaladu Yusus Xusen Jimcaale . Wareegtada waxay amreysay in xolaha madaxd madax loo ganaaxo kadibna shaabad lagu dhufto. Haddii xayawaankaas uu mar kale soo noqdo waa in isla goobtaas lagu Gowracaa, sidoo kale dadka xoolaha ku haysta guryahooda inay ka saaraan magaalada haddii kale inta dhiman loogu imanayo guryaha.

Waa yaabe xoolaha maqashin dadka inay iska fogeeyaan ah oo intau bannaanka magaalada geeyaan ka soo tagaan. Runtii hadalkaan waa caqlixumo ay xaasidnimo weheliso, haddii kale waxaa laga leeyahay ujeeddo gurracan oo dhinac kasta oo xun loo fasiran karo.

Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka gobolka Banaadir oo si arxandarro ah uu ugu dhaqaaqay in hanti ummad masaakiin ah ay leedahay uu gowracay.Shacab kale iyo kuwa masaakiin ah uu xaraan. U cunsiiyey isagoo waliba ku faanaya.

Waa sax in magaalada laga ururiyo oo caafimaadka, nadaafadda, bilicda  iyo ammaankaba ay dhib u keenayaan laakiin waxaa si weydiin mudan:

  1. Marka la soo ururiyo Yaa xaq u siiyey dowladda hoose inay xoolahaas qasho sharciyan oo maxkamad miyey xukun ka hyastaan?
  2. Wareegtada (Decretto) ma sharcibaa Miyaan lagu dacweyn Karin falkaan marna arxan darrada ah marna aan sharci ahayn Dowladda hoose?
  3. Ma waxay dadkii lahaa ka haysataa fasax ah inay qalaan xoolahooda?
  4. Miyeysan sharciyan ku takrifal awoodeed ahayn tallaabada la qaaday oo qof bixin waayey ganaax yar in laga dilo neefkiisa ama dhamaan xoolihiisi?

Dadka u soo joogay dowladdi dalka ee Maxamed Siyad ahn waxay xoolaha ka ururin jirtay magaalada waxaana la geyn jiray xero lagu hayo muddo, laakiin sidaan degdegta ah inta la soo ururiyo waqti koobbanna la siiyo dadkii lahaa maaha waxa sharciyan iyo masuuliyan saxan ah.

Dowladda hoose, hadddeyba ka fursan weydo,  waxay sameyn kartay inay xoolaha iibiso ganaaxa ka goosato kadibna intii hartay dadkii lahaa la siiyo taas oo Meesha ka saari lahayd inay reerka xoolaha leh khasaaraan, balse sharciga ay fahmaan ciqaabtoodana qaataan.

Haddii qof uu bixin canshuurta gurigiiga iyo ganaaxa la saaray,  dowladda Hoose ee Xamar ma waxay dumineysaa guriga? Maya, sidaas oo kale  xoolaha ma qalan karto ee inta iibiso ayey ganaaxa ka qaadan kartaa muddo macqul ah ka dib.

Maamulka Xamar waa ku saxan yihiin in magaalada laga ururiyo xoolaha, laakiin  waxaa laga rabaa inay ka hawlgaalaan waxyaabaha nolosha dadka lagama maarmaanka u ah sida:

  1. Qashinka oo meel walba tuban.
  2. Jidadka oo burbursan iyo bajaajka oo u baahan in loo kala sameeyo laba koox oo kooxba ay maalin shaqeyso si magaalada u kala furanto.
  3. Biyaha iyo bullaacadaha oo meel walba daadsan oo nolosha iyo caafimaadka dhib weyn ku ah.
  4. Korontada iyo adeegah biyaha o ay ahayd inay dowladda hoose bixiso oo aan la goyn Karin dadkana lagu dhibo.
  5. Tuugada yar yar oo middida dadka ku dhaca xaafadaha dhexdoda.

Isku soo xoori magaalada waxay u baahan tahay inay maamulkeeda ka hawl galo sidii magaalada ay u noqon lahayd magaalo kafaala qaadi karta nolosha dadkeeda oo lagu soo hirto sida magaalooyinka geeska Afrika ku yaalla.

Haddii dowladda hoose ay hawsheeda ka soo baxdo waxaa la hubaa inay shacbiga ka soo baxayaan doorkooda oo ay dhisanayaan nolol aad u wanaagasan. Maamulka hadda joogaa waa inuu ogaadaa sababta maamulkii ka horreyey loo badalay ma ahayn nin jecleysi ee waxaa uu ahaa waxqabad xumo ka timid aqoondarri sida ay magaalo casri ah u shaqeyso.

Magaalo casri ah waxay u baahan tahay:

  1. Ammaan joogto ah oo ka dabatag iyo ka hortag leh lama hayo
  2. Biyo nadiif ah iyo Koronto joogto ah, lama hayo
  3. Gaadiid iyo waddooyin habeysan lama hayo
  4. Iyo Shaqo abuur loo sameeyo dhammaan dadkeeda gaar ahaa dhallinyarada rabta inay nolol iyo mustaqbal dhisato lama hayo.

Ma la sameyn karaa haa waa la sameyn karaa laakiin waxay u baahan yihiin dad aqoonteedii leh oo wax ka yaqaanna horumarinta magaalooyinka ama u yeeran kara kuwa yaqaanna.

Si dowladnimada loo barto dada shuruucda magaalo hala baro iyadoo la isticmaalayo laamaha warbaahinta Qaranka, dadkuna ha barteen in dowladda lala xisaabtami karo oo xataa arrinkaan dowladda hoose maxkamad lagu geyn karo.

Maamulka dowladda hoose dadkana ha u naxariisto, sharcigana ha ilaaliyo oo  hala xisaabtamo kuwa sharciga ku tumanaya oo sidey rabaan ka yeelaya, iyagoo awood dowladeed ku gabbanaya. Hadii ay taas dhici weyso MW Jamhuuriyadda isagaa maamulka sida ay u dhan yihiin doortay hala xisaabtammo oo ha ku abaalariyo waxqabadkooda, hana ku ciqaabo wax qabad yaridooda.

Gawraca Xoolaha ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Waa Gef Sharciyeed iyo Garasho Xumo Maamul walina waa sii hanjabayaan.

halkaan ka daawo muuraal cabasho shacbi iyo gooddi masuul isugu jira.