Gawaarida Wasiirada Cabdi Wali Gaas oo Laga Fiiqayo Muraayadaha Madoow

Reading Time: < 1 minute

Waxa maalmahan danbe qeybo ka mid ah deganada maamulka puntland ka soconayay howlgalo maamulku ay shegeyn in amanka lagu xaqijinayo ayu Taliska qaybta Booliska Gobalka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa ka warbixiyey howlgaladasi.

Gaashaanle Sare Nugaal Faarax Cabdiraxmaan (Galangooli) ayaa sheegay in ay dad u qab qabteyn falal amnidarro oo maalmahaan ka dhacayay Magalada waxa uu sheegay in la qabtay nin bilaawgii Todobaadkan wiil dhalinyaro ah ku dilay Magaalada Garoowe,isla markaana Maxkamada ay horgeyn doonaan.

Taliska aya sheegay in howlgallada ay qeyb ka ahaayeen kuwo lagu fiiqayay dadka wada Gaadiidka Muraayadaha madow leh isla markaana qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland Gawaaridooda laga fiiqay Muraayadaha Madow.