Garyaqaanka Dowladda oo Dalbaday in la hakiyo Dacwadii uu qortay Fahad Yaasiin

Reading Time: 3 minutes

Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa ka jawaabay Dacwad uu Maxkamadda Sare u gudbiyey Ła-taliye Fahad Yaasiin Xaajir Daahir oo ku saabsan in kursi Baarlamaan oo uu kusoo baxay laga hor istaagay.

Qoraal uu garyaqaanka guud ee dalka Dr. Cismaan Cilmi Guuleed soo saaray, kuna socday Maxkamadda Sare ayuu ku caddeeyay in laba maalmood aan looga jawaabi karin dacwaddan oo quseysa Guddiga FEIT ee Doorashooyinka Heer Federaal, isla markaana uu xafiiska Garyqaanku u baahan yahay waqti uu ku diyaariyo kiiska marka uu la xiriiro cidda lasoo dacweeyay.

Garyaqaanka Guud ayaa Maxkamadda Sare ka dalbaday inay sugto inta uu xafiisku kasoo xaqiijinayo kiiska dacwadda, soona baarayo cidda xaqa u leh dacwaddan marka la fiiriyo Habraaca lagu heshiiyey ee Doorashada Dadban.

HOOS KA AKHRISO

XAFIISKA GARYAQAANKA GUUD EE DAWLADDA
OFFICE OF STATE ATTORNEY GENERAL
SUMMAD: XGG/073/2022 10/04/2022

Ku: Maxkamadda Sare ee Dalka
Og: Guddiga Hirgalinta Doorashooyonka Dadban ee Heer Federaal Muqdisho

Ujeeddo: Wargalin iyo Codsi Hakin Dacwo

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda asagoo tixraacayo Warqadda summaddeedu tahay MSIXKS/044/2022 ee 10/04/2022, kana soo baxday Kaaliyaha Maxkamadda Sare kuna saabsanayd ka soo Jawaab-celin Dacwad Maamul.

Hadaba, Xafiska Garyaqaanka Guud ee Dowladdu asagoo gudanayo waajibaadkiisa ku xusan Qodobka 3aad ee Sharciga lambar 18 ee soo baxay 29 Jaannaayo 1976, waxaa uu ku wargalinayaa Maxkamadda Sharafta in Xafiiska Garyaqaanka Guud marka ay soo gaarto Dacwad ay dhinac ka tahay mid ka mid ah Hay’ad Dowladda, ama Guddiyada Madaxa-bannaan ay lagama maarmaan tahay in Xafiisku qaado tillaabooyinka soo socdo:

1- In Xafiiska Garyaqaanku ku wargaliyo Hay’adda la dacwaynayo inay Maxkamadda hortaal Dacwad lid ku ah, si Xafiisku u difaacane loo baahanyahay inay si dhow ugala shaqeeyso Xafiiskan.

2- In Xafiisku ka codsado Hay’adda in ay u soo gudbiso wixii macluumaad ah ama Caddaymo ee la xiriiro Dacwaddaas, isla markaasna ay Xafiiska Garyaqaanka Guud ka soo siiyaan Warbixin dhammaystiran si loo ilaaliyo ama loo dhoowro Danta Guud, tan Caddaalladda iyo xuquuqda muwaadinka.

3- In Xafiiska Garyaqaanka Guud ay saldhig u tahay difaaciisa in uu ka helo ama ay Hay’addu u soo gudbiso xaaladda dhabta ah ee Dacwada Maxkamadda ka furan, si ay Maxkamaddu uga gaarto go’aan Caddaalad ah oo Sharciga waafaqsan.

Xafiiska Garyaqaanka Guud waxaa uu Maxamadda sharafta leh si xumadi ku dheehantahay ugu wargalinayaa in ayadoo la raacayo ama la dhoowrayo habraaca Xafiisku u maro Difaaca Dacwadaha ay Hay’adaha Dowladdu dhinaca ka yihiin, in aysan suurto gal ahayn in labo maalmood gudahood uu Xafiikani ku soo gudbiyo Jawaa-celinta Dacwaddan, waayo habraaca loo baahanyahay si Xafiiska Garyaqaanku ugu soo gudbiyo jawaab-celinta laguma soo dhammaystirikaro labo maalmood.

Sidaa darteed, Garyaqaanka Guud ee Dowladdu waxaa uu si xushmad leh Maxkamadda sharafta leh uga codsanayaa:

1- In Maxkamaddu ka sugto Xafiiska Garyaqaanka inta uu ka soo dhammaystirayo xogaha iyo Caddaymaha looga baahanyahay jawaab-celin Dacwaddan oo ku xiran hay’adda la soo Dacweeyay.

2- In Xafiiska Garyaqaanka Guud ballan-qaadayo inuu ku soo dhammaystiro sida dhaqsiyaha badan asagoo u gudbinayo qoraal rasmi ah Guddiga ay khusayso Dacwaddani, kuna daba-galayo inay keenaan macluumaad looga baahanyahay si looga difaaco Maxkamadda horteeda.

3- In Xafiiska Garyaqaanka Guud hubiyo sida uu u nidaamiyay Heshiiska Golaha watashiga Qaranka ee hirgalinta Doorashada Dadban haddii uu khilaaf ka yimaado howlaha ay qabanayaan Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Heer Federaal.

Garyaqaanka Guud ee Dowladdu waxaa uu mar labaad ka codsanayaa Maxkamadda Sharafta leh ayadoo la tixgalinayo arrimaha kor ku xusan in ay ka war-sugto inta uu Xafiiskani ka helayo guddiga xogaha lagama maarmaanka u ah difaaca iyo in hore loo sii wado dacwaddan, waxa uuna ballanqaadayaa Xafiiska Garyaqaanka inuu u soo gudbin doono Maxkamadda Sare ee Dalka Jawaab-celin dhammeystiran marka ay soo gaaraan xogaha sare ku xusan oo uu ka sugayo Guddiga.

Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed
Garyaqaanka Guud ee Dawlada