Garsoore katirsan Maxkamada Puntland oo lagu dhaawacay Gobolka Bari

Reading Time: < 1 minute

Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ku dhaawaceen  Garsoore ka tirsan Maxkamada Sare ee Maamulka Puntland.

Garooraha  la dhaawacay ayaa waxaa lagu  Magacaabaa  Siciid Cabdi Muumin ,iyadoona la sheegay in weerarka uu  dhaawac fudud ka soo gaaray.

Dhaawaca garsooraha ayaa waxaa loola cararay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.

Boosaaso ayaa ka mid ah meelaha inta badan ay dilalka ka geystaan dagaalamayaasha Ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!