Garowe oo looga diyaar garoobayo xuska munaasabada 1-da Agoost 

Reading Time: < 1 minute

Waxaa dhowrkii maalin ee la soo dhaafay ka socday magalaada Garowe diyaargarowga xuska sananadguuradii 21naad ee ka soo wareegatay aasaaska Dowlad Goboleedka Puntland.

Waxaa caawa iyo berito ka dhici doona guud ahaan deeganka Puntland bandhigyo, ruwaayada iyo fantisyo lagu xusayo maalintaan oo ah maalin ku wayn shacabka reer Puntland iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliya.

Sanadkaan waxaa ka maqan xafladahaas madaxada Dowlada Fedaraalka kuwaas oo horay isugu dayay in ay qal-qal siyadaasadeed ka dhaliyaan  Puntland ka dib markii ay ku fashilmeen  fakarkoodii ka soo horjeeday Fedaraalka Soomaaliya. Farmaaajo iyo Kheyre ayaa aad ka soo horjeeda jiritaanka Puntland ayaga oo u arka in ay tahay hooyada Fedaraalka Soomaaliya.

Dad badan ayaa rumaysay in jiritaanka Puntland ay sabab u ahayd degaananshaha siyaasadeed ee ka dhacay dalka Soomaaliya iyada oo hogaanadii isaga danbeeyay Puntland ay dhamaantood ku adkaayeen taageerida iyo ilaalinta  midnimada Soomaaliya.