Garowe: Madaxda DG oo laalay sharciyadii doorashooyinka iyo shidaalka, kana horyimid qorshayaasha Farmaajo/Kheyre

Reading Time: 2 minutes

Wararka ka imaanaya magalaada Garowe ayaa sheegaya in kulankii xalay ee madaxda dowlad goboleedka iyo dowlada dhexe uu ahaa mid intiisa badan ku dhamaaday far isku taag taag iyo iseedeyn. Madaxda Dowlad Goboleedyada oo intooda badan isku mowqif ahaa marka laga reebo Cabdicasis Lafta Gareen ayaa ka soo horjeestay heshiisyadii horay xukuumada u meelmarisay oo ay ku jiraan Sharciyada Doorasadha iyo Asxaabta ee dhawaan la mariyay golaha wasiiradda.

Muran dheer ka dib waxa uu ogolaaday Farmaajo in laga noqdo hindisihii ay maalintii khamista ansaxiyeen Golaha Wasiiradda. Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa ku gacan seeyray in ay ogolaadaan hindisaha ay xukuumada soo qoratay. Waxaa lagu amray Farmaajo in uu ka si toos ah uga noqdo arintaas isla markaana ka noqoshada xukuumada lagu cadeeyo warmurtiyeedka ka soo bixi doono shirka.

Dhanka kale Madaxda Dowlad Goboleedka ayaa sidoo kale ka horyimid ansaxinta sharuucda shidaalka oo maanta la filayo in baarlamaanka ansaxiyo. Waxaa lagu wargaliyay Farmaajo in sharcigaas uusan quseynin dowlad goboleedyada hadii sida uu yahay looga  ansaxiyo baarlamanka. Waxaana loo sheegay Farmaajo in talaaba kastaa oo si wada jira horay  loogu qaadi doono  ay ku xiran tahay in marka hore laga noqodo isla markaana la joojiyo sharciga shidaalka ee maanta la horgeeynayo baarlamaanka.

Farmaajo oo ay dhib ku tahay arintaan ayaa sheegay in qoraalkii xalay loo qaybiyay xildhibaanada isla markaana ay adkaan doonto isla caawa in la joojiyo laakiin waxa uu balan qaaday in kulanka maanta aan lagu ansaxin doonin arimaha shidaalka. Waxa uu cadeeyay in sharciga shidaalka  lagu hayn doono baarlaamaanka oo aan loo codeeyn doonin inta isafgarad buuxa laga gaarayo.

Dhanka kale Xasssan Cali Kheyre oo qarash badan ku bixiyay xildhibanada gaar ahaan xalay u qaybiyay lacago ayaa sheegay in ay adkaan doonto in la joojiyo ansaxinta sharciga Shidaalka. Xassan Kheyre ayaa loo sheegay in ay joojinteeda ay tahay arin u taalo Farmaajo iyo Kheyre hadii maanta la mariyana shirka lagu kala tagayo.

Shirka ayaa la filayaa in maanta looga hadlo arimaha Galmudug iyo Banadir kuwaas oo u muuqda kuwa aan natiijo wanagasan ka soo bixi doonin, gaar ahaan arimaha Gobolka Banadir. Marnaba lagama rajeynayo Yarisoow in uu la yimaado hindise ka soo horjeedo Farmaajo kana tarjumaya danaha shacabka Muqdisho.