Garowe & Laascaanood oo markii ugu horeysay 10-sano maanta isku furmay

Reading Time: < 1 minute

Ka bixitaanka ay ciidanka Somaliland ka baxeen deegaanka ku gadaaman Laascaano iyo Tukaraq waxa ay sahashay in ay si buuxda u furmaan wadada isku xirta Garowe iyo Laascaanood.

Waxaa durbadiiba maanta safar ku tagay deeganadaas madax, xildhibaano iyo shacab ka soo baqoolay magalaada  Garowe kuwaas oo si naashlayn ah isaga gooshaya Laascaanood iyo Garowe.

Isku furitaanka labada dhinac ayaa waxa ay soo afjareeysaa  qadiyadii Somaliland ay ku sheeganaysay in dhulka Somaliland ee Ingriiska gumeysan jiray ay ku jirto deeganada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Waa ay adkaan doontaa in Somaliland ay dib ugu soo noqoto degaanada hoos yimada SSC. Waxa ay tani ka dhigan tahay burburkii Jamhuuriyada la magac baxaday  Somaliland.