Garowe, Hargeysa, Xamar …Shaqo Kuma laha Awood Qeybsiga 4.5, haddini Kale Ma Horumari Karaan.

Reading Time: 3 minutes

Waxaa caado iska noqotay in mar waliba lagu doodo in hoggaanka gobolka Banaadir laga dhigo mid Somalida dhexyaalla oo ay cid waliba xaq u leedahay inay qabato, halka Baydhabo, Garoowe iyo Hargeysa ay hogaankeeda qabtaan dadka degaan ahaan ka soo jeeda degaanadaas.

Magaalada Muqdisho waa caasimaddii Somaliya cid walibana waa degi kartaa waana ka shaqeysan kartaa sida Hargeysa ama Garoowe laakiin maamulka dowladaha hoose waxaa xaq u leh dadka u dhashay ee 4.5 darteed aan magaalo kale duq mgaalo ka noqon karin.

4.5 Xaqna waa waajibiyaa oo ma aha midi hal dhinac wax u gooysa ee curfi sharciyoobay int alaga gaarayo hab looga guuro. Waxaa uu diidayaa in xaq uu leeyahay degane reer Baydhabood ah laga sii mid u dhashay Dhuusamareeb ama Garoowe.

Inkastoo ay sideedaba xaaraan tahay magacaabista ay dowladda Federaalka u soo magacaabeyso duqa Muqdisho haddana waxaa xaq u leh in loo magacaabo dadka ka soo jeeda degaanka ee ay dhulalkoodii iyo degaankoodii ku fidday inta ay dadkeeda ka tashanayaan inay duqeeda iyo maamulkeeda Muqdisho iyada soo doorato.

Muuqaaladdaan waa Xamar oo aysan jirin cid daneysaa maadaama uu qof waliba ku halleeyo qof kale.

Maamulka in wax laga siiyo dadka degaanka wax dega khalad maaha laakiin hoggaanka waxaa iska leh dadka degaanka ka soo jeeda oo weliba loo eegayo sida ay degaanka u kala xigaan oo dhalasho oo kaliya xaqu maaha.

Xaqsoorka waa inuu ka soo bilowdaa hoosta kadibna uu sidaas ku gaaraa dadka oo dhan.

Sidaas darteed dowladda Federaalka  waa inay aqbashaa in Xamar ay dad gaar ah degaan u tahay kuwaas oo aan magaalo kale ka noqon karin hogaamiyayaasha Bulshada. Ninka caanaha iyo qoryaha ama dhuxusha keenaa waa in uu helaa ruux la damqanaya oo la dareemaya baahida gaarka iyo culeyska caasimadd ku keentay. Waana in loo abaal gudaa. Caasimadninada xaqiisa laguma duudsiyi karo oo lama oran karo gurigaaga waxaa taladiisa wax ku leh  reer Baydhabo ama reer Garoowe ama reer Hargeysa halka aadan adigu wax talo ah ku lahayn guryahooda.

Haddaba si loo saxo arrinkaan waa in dadka degaanka ay u hawlgalaan inaysan xaqooda ka tanasulin, dowladduna waa inay u caddaalad fashaa dadkaan ay magaalada ka liqday degaankooda iyo dhaqankoodaa, una keentay amaan li’i iyo isbadal Cimillo iyo cudurro ka dhashay hogaan xumada magaalada haysataa iyo u damqasho la’aanteeda.

Hogaanka Magaalada waa inay qabtaan dad degaanka ka soo jeeda mar waliba oo aysan shaqo ku lahaanin awood qeybsiga waana sida kaliya ee ay magaalada ku ahaan karto magaalo ay cid waliba oo Somaliyeed xaqeeda ka hesho, noqotana caasimad ifeysa oo ay dadkeedu ka shaqeysan karaan, ku noolaan karaan kala soocid la’aan, waayo waxaa hogaakeeda mudan inuu hayo mid ay dhibteeda saameneyso oo aan ka guuri karin maalinta ay xumaato saa meel kale oo uu u guuri karaa ma jirtee.

Garowe:

 

Hargeysa.