Garoowe oo laga dareemaayo qaban-qaabada shirka iyo Wafuud ku wajahan

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garawgii ugu dambeeyey ee loogu jiro soo dhoweynta madaxda dowladda Federalka ah iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa siweyn loo adkeeyey waxaana qaybaha kala duwan ee xaafadaha magaalada iyo waddooyinka halbawlaha ah ka socda howlgallo ay samaynayaan ciidanka ammaanka gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya ayaa dhammaan lafilayaa inay maalinimada Jumcada ah soo gaaraan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Xog hoose oo ay heshay MOL  ayaa sheegaysa in madaxweynayaasha dowlad goboleedyadu ay imaan doonaan maanta oo  Khamiis ah halka madaxda qarankuna imaan doonaan maalinimada Jumcada ah.