Garoonka Diyaaradaha ee Baladwayne oo xiran !

Reading Time: < 1 minute

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne oo halbowle u ah isku socodka Muqdisho iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu  saakay xiran yahay kadib markii xalay roobab ka da’ay ay waxyeelleeyeen dhabbihii diyaaradaha ay ka kici jireen.

Dhawaan ayay aheyd markii sidaan oo kale u xirmay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne,kadib roobab ka da’ay Magaaladaasi,waxaana taasi ay keentay in ay hakad galaan gurmadkii la geyn lahaa magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Bladweyne ay dowladda u dirto diyaarado sida  gargaar, kaasi oo la gaarsiin doono dadka ku dhibaateysan gobalada Hiiraan, Gedo, Baay.

Lama oga inuu maanta hakad ku imaan doono gurmadka la gaarsiinayo shacabka ku sugan magaalad Beledweyne ee gobolka Hiiraan