Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan Xubno ka mid ah Golayaasha Dowlada, Maamulka Degmada iyo guddiga dhismaha garoonka Diyaaradaha degmada balanbal ayaa si wadajir xariga uga jaray dhismaha garoonka diyaaradaha oo wajigiisa koobad soo dhamaaday.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo bogaadiyay maalgelinta iyo dhismaha Garoonka diyaaradaha degmada balanbal ayaa sheegay in Dowladda Galmudug ay qeyb ka qaadan doonyo dhismaha iyo dhameystirka Garoonka Diyaaradaha balanbal.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa bulshada degmada balanbal kula dardaarmay in lala shaqeeyo maamulka Cusub ee Degmada lagana gacan siiyo dhinac walba oo horumarinta bulshada ah.
Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa waxaa ka socda hormar dhanka dhismaha kaabayaasha Dowladda, iyada oo Wasaaradda Arrimaha gudaha Maamulkaas ay Degmooyinka Gobolka Galgaduud iyo Mudug ka wada dhismaha golayaasha deegaanka.