Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug gaaray diyaarad siday Gargaar loogu tala galay dadka ku dhibaateysan Magaalada Baledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan.
Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo uu hoggaaminaayo Madaxa Xukuumadda Galmudug.
Diyaaradddaan ayaa sidda daawo, waxaana lagu waddaa in Gawaari looga qaado Caasimadda Galmudug.
Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiran aya waxa ka taagan Xalad xun oo ku adan Daadad ka dhashay wabiga Shabeele iyado dad kor u dhafaya 14,000 oo qof ay ka barakaceyn Magalada.