Degmada Garbahaarey xarunta Gobolka Gedo waxaa ka socda abaabulka Dibadbax maamulka Degmadaas uu ku wargeliyay Shacabka in ay kasoo qaybgalaan si loo muujiyo diidmada guddiga Ra’iisul Wasaare Rooble u xilsaaray arrinta Magaaladaas.
Dadka ayaa lagu wargeliyay in ay xiraan Goobahooda Ganacsiga, lana xiro Goobaha Waxbarashada si la isugu tago goob uu maamulka ugu talagalay in lagu qabto isu-soo bax ka dhan ah in Guddiga Xafiiska Rooble ka socda uu tago Garbahaarey.
Dhanka kale, Xarunta Gobolka Gedo waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Saraakiisha Ciidanka DFS, kuwa Booliiska AMISOM iyo Maamulka Degmada Garbahaarey waxa ay kawada hadleen sida laga yeelayo go’aamada iska soo horjeeda.
Saraakiisha AMISOM ayaa ku dooday in Garbahaarey ay u tageen ilaalinta nabadgalyada Doorashada balse muranka socda uu noqday mid sii jiitamaya si xal loo raadinaya loo baahan yahay in laga kulmo sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhaw kulanka.
Maamulka Degmada Garbaaharey oo qaaday tallaabooyin is daba-joog ah oo ay ku baajin karaan Guddiga kasoo talabixinta Doorashada Degmadaas ayaa AMISOM ku wargeliyay in aysan faragelin arrimaha maamulka oo aanay soo dhaweyn guddigaan.
Saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ayaa ku dooday in mas’uuliyad ay ka saaran tahay nabadgalyada Doorashada sidaas awgeed kaalintooda oo ah Doorashada 16ka kursi aanay ka baaqan Karin cid weliba oo arrimahaas u socota.
Maamulka Degmada iyo saraakiisha AMISOM ee saldhigga ku leh Garoonka Diyaaradaha Garbahaarey ayaa ku ballamay in markale ay kulmaan si ay u dejiyaan qorshe lagu dejin karo siyaasadda cakiran.
Tallaabooyinka uu qaaday maamulka Garbahaarey waxaa kamid ah: In shirkadaha diyaaradaha uu ku wargeliyay in aanay qaadi Karin guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble & tallaabooyin kale oo caqabad ku noqon kara safarka xubnaha Guddigaas.