Garbahaareey oo ay ka jirto xiisada dagaal & Xarunta degmada oo xoog lagu qabsaday

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo waxaa maanta deegaankaas laga dareemayo xiisad dagaal kadib markii xoog lagu qabsaday xaruntii maamulka degmadaas.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) iyo ciidamo uu wato ayaa xoog ku qabsaday xaruntii maamulka degmada sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Tallaabadaas ayaa sida la sheegayo waxa ka dhashay xiisad dagaal iyadoo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmadaas laga soo xigtay in ay wada-hadal ugu tagayaan mas’uulka xoogga ku qabsaday xarunta.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!