Garabka Cabdi Xaashi oo ka hor yimid Doorashada Guddoonka & Rooble oo ku adkeysanaya…

Reading Time: < 1 minute

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay in doorashada Hoggaanka guddiga doorashada Somaliland ay noqoto mid daah furan oo lagu qabto waqtigeeda, iyadoo la faray Hey’addaha dowladda iyo daneenayaasha caalamiga inay kor joogteeyaan doorashada guddoonka guddiga oo maalinta Sabtida lagu qaban doono Hangarka Afisyooni.

MOL oo la hadashay qaar ka mid ah Cabdi Xaashi ayaa noo sheegay in Rooble uu ka baxay dhexdhexaadnimadii uuna qeyb ka yahay boobka lam Villa Somalia aay dooneyso in aay ku boobto kuraasta Xildhibaanada Waqooyi.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa dhowaan labo guddoomiye oo labo garab ah kala doortay, taasoo caqabad weyn ku keentay howshii doorashada kuraasta labada aqal.