Garaadyada Dhulbahante oo Garowe kula shiray madaxda Dowlada Puntland

Reading Time: < 1 minute

Isimadda dhaqanka ee gobalada SSC  iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta shir uga furmay  caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ee Garoowe. Shirkaan balaaran ayaa waxa soo  qabanqaabiyay Beelaha Daarood, gaar ah beesha Harti  waxaana hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmad Karaash.

Garaadyada Dhulbahante ayaa inta ay joogaan magalaada Garowe waxa  ay wada hadalo la la yeelan doonaan wafdi sare oo kasocda dawladda Itoobiya, kaas oo horey u soo maray magaalada Hargeysa, lana kulmay Madaxweynaha Somaliland.

Labada dhinac ee Itoobiya & Isimadda dhaqanka ee SSC ayaa ka wada hadlaya dagaalka Laascaanood, xili ay Itoobiya dadaal ku bixinayso in xabada la joojiyo, lana abuuro jawi nabadeed oo labada dhinacba ay doonayso in ay hirgaliyaan.

Shirkaan ayaa waxa uu rajo buuxda galinayaa qadiyada reer SSC oo ay ku doonayaan inay si buuxda uga go’aan dowlada Somaliland.