Garaadka Guud ee Garaadyada beesha Dhulbahante ayaa ku baaqay in dagaaal lagu qaado waxa uu ku sheegay “cadowda soo weerar dhulka Dhulbahante.
Garaadka oo ay ka muuqato caadifad ayaa yiri “Askariga Dhulbahante ee qoriga haysta ee isagoo walaalkii la dilayo amarka sugayaa waa fulay ee gala Dagaalka…”
Dhanka kale Garaad Abdullaahi Gulleid oo kamid ah isimida Dhulbahante ayaa isna ku baaqay dagaalka. “Colaadu waa inoo bilaabantay ee Shahiida oo an iska saarno SNM.. ayaa balan nagu ah ah.
Waxaa jira dhaawac iyo dhimasho ka dhashay dagaalka maanta ka socda Laascaanod. Sarkaal lagu magacaabo Dahir Abdi Doorshaan, oo kamid ahaa ciidamada Somaliland ee ilaalada u ahaa Wasiir Siciid Sulub kana soo jeeda Beelaha Isaaq gaar ahaan bees Arab ayaa lagu dilay dagaalka Laascanood.